Meydka haweeney laga helay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug

June 22, 2013 - Written by Editor

gaalkacyo-Gaalkacyo:-Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in Meydka qof haweeney ah oo lagu dilay rasaas laga helay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Saraakiisha Booliska ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Gabadha oo lagu magacaabo Fardowsa Salaad  da’deeda lagu qiyaasay 22 jir xalay lagu dilay Koonfurta Gaalkacyo waxaana ay sheegeen in ay wadaan baaritaano.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Maxamed Nuur Cali (Gadaar) ayaa  warbaahinta u xaqiijiyey dilka foosha xun ee lagu kacay qof haweeney ah wuxuuna sheegay in falkaan uu yahay mid ku cusub deegaanada Galmudug.

Saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka Gaalkacyo ee la geeyay meydka gabadha ayaa warbaahinta u sheegay in gabadha la kufsaday inta aan la dilin ka hor waxayna ugu baaqeen laamaha amaanka in falkan foosha xun cida geysatay la mariyo ciqaabkeeda.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa falal foolxun ka geystay burcad badeed  kuwaas oo ilaa haatan ay waxba ka qaban waayeen labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa aad uga xumaaday falkan foosha xun ee loo geystay alaha u naxariistee Fardowsa Salaad .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online