Muxaadaradii ugu horeysey Nadwo xalay lagu qabtay Masjidka Madiina ee Burco [Video+Cod]
June 25, 2013 - Written by EditorWaxaa xalay ka bilaamatay Masjidka Jaamicul madiina ee magaalada Burco silsilad muxadarooyin ah oo ay soo qaban qaabiyeen Culimo iyo Arday ka socda Jaamicatul Madiina Almunawara ee dalka sucuudiga. Muxaadaraadkan oo manhaji ah, kana hadli doona dhinacyo kala duwan waxaa loogu tala galay in lagu iftiimiyo masaa’il badan oo looguna tala galay inay ka faa’iideystaan dalabatul cilmiga.
Waxaa xalay oo ay bishu tahay 25/06/2013 M. kuna beegan 18/8/1434 Muxadaadaradii ugu horaysay ka galay Masjidka Jaamicul Madiina ee magaalada Burco Dr. Faysal Maxamed Cali muxaadaradaas oo ciwaan keeedu ahaa “Ku talaxategida Diinta (Alquluwu fi diin) “ in diinta Alle lagula yimaado ku talaxtegid ama ka gaabin.
Ugu horay waxaa uu Diktoor Faysal Maxamed Cali ku bayaamiyey waxa uu yahay Quluwigi iyo inta qaybood ee uu ka kooban yahay iyo sababaha dadka ku keena inay la yimaadaan talaxtagga Diinta Alle. Wuxuuna yidhi diktoorku ” ku talaxtaga diintu waa in la dhaafiyo xadka loo dhigay Diinta Alle ama xadka dadka( culimadda) loo dhigay haloola yimaado aaminsanaan ama camal ahaanba waxaana loo qaybiyaa Ku talaxtaga Diinta Alle mid ictiqaadi ah iyo mid camali ah”.
Sh. Dr Faysal ayaa aad ugu dheeraday ku talax taga ku tacaluqa shakhsiyaadka ama hala ammaano ama makaanadooda hoos ha loo dhigee. ugu danbayna wuxuu ku soo gunaanaday talooyin towsiyaad guud ah oo ku wajahan ducaada, dalabatul cilmiga iyo cid kasta oo u ooman inay Diinta Alle kor u qaadaan.
Hoos Ka daawao Muxaadarada Sheekh Feysal Maxamed Cali “Ku talaxategida Diinta (Alquluwu fi diin)
Hoos Ka Dhageyso Muxaadarada Sheekh Dr.Feysal Maxamed Cali “Ku talaxategida Diinta (Alquluwu fi diin)
[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/ecezx9mtcm/dr_feysal.mp3″] Ama Halkan Mp3
Cabdimaalik Muse coldoon
Burco
Halgan.net