Naagtii ninkeeda Ashahaadada u qabatay W/Q Sh Axmed Cabdisamad
June 28, 2013 - Written by EditorSafar buu ku maqnaa, gurigay u soo dabamareen, Inay gaalad tahay bay ka dhaadhiciyeen, Inay soo islaamto ayay ku qanciyeen. Ka dib ninku inuu gaal yahay oo uusan qabin bay usheegeen, wayna fahamtay intaas. Maalintii dambuu soo dhacay. Way ka xijaabatay. Naa maxaa dhacay ?. Gaal baad tahay, ana muslin ee soo islaam ama ina kala wadi!. Haye oo see yeelaa?. Soo qubayso oo ashahaado. Hawraarsan iyo warsan. Wuu soo mayrtay, waana ka hor ashahaatay!. Aayar bay odaygeedii guriga gashatay, hoostana ka gashay illaa waa u islaamaye!.
Maalintii dambe naa hebla bal waran. Ninkii waa ii islaamay oo ashahaadada ayaan u qabtay, waana ii joogaa. Naa ma gaalkii baad hoosta gashatay?. War ma ninkayga ii ashahaatay baad leedihiin waa gaal?. Baxa i dhaafa diin doon maahidine ninkaygaad u dan leedihiine!.
Miskiintu war mahaysee ninku awalba waa ashahaadan jirey, wax cusubna ma keenin. Inuu iyaga u ashahaato ayaa la doonayey, tiina lagama helin. Iyadana ashahaado waa u ashahaado, faraqa labada ashahaado iyo shuruudaha ashahaadada cusubna may fahmin!. Sidaas bay iyadiina ashahaadadii cusbayd uga burtay maadaama ay nin aan ashahaadadiisu ansixin nimaysatay!.
Gabagabadii ninkaan caaqil buu ahaa; waayo xaaskii iskuma taagin ee mushkiladda haysata ayuu fahmay. Xalka sida ay u aragto ayuu ka dhagaystey, waana fuliyey illaa waxa ay ka dabatay waa soo qubayso iyo ashahaado, waana labo arrimood oo wanaagsan. Rag badan baa xaasaskii laga sabtay ku seegeen naa ma anigaad i islaaminaysaa?.
W/Q Sh Axmed Cabdisamad
Halgan.net