Norway iyo Dowllada Federaalka Soomaaliya oo xiriirkii diblomaasiyadeed kala saxiixday

June 27, 2013 - Written by Editor

IMG_2374Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamud ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Xiriirka Caalamiga ah  ee Norway Mr. Heikki Holmes. Kulankan waxaa goob jog ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam, Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xasan Suleyman iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha iyo Wasiirka Norway ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii Norway ay uga qeyb-qaadan laheyd dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiirka Norway iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa warbaahinta hortooda ku kala saxiixday heshiis labada dal ah oo lagu soo celinayo diblomaasiyaddii labada dal iyo inay iskaashi ka wada yeesheen dib u dhiska Soomaaliya.

no images were found

Shir jaraa’id ayuu madaxweynahu ku yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in Mr Holmes uu yimaado Muqdisho, tanoo tuseysa sida dalka Norway ay uga go’antahay in xiriirkii labada dal la soo nooleeyo oo heshiiskii maanta uu calaamad u yahay in Soomaaliya ay maanta si siman heshiisyo diblomaasiyadeed ula saxixianeyso waddamada horey u maray. Waxaan kaloo uga mahadcelinaynaa Norway geesinimada dheeraadka ah oo ay si toos ah (bi-lateral) ula shaqeyneyso dowladda oo ay si toos ah ugu soo gubinayaan kaalmadooda ku wajahan dib-u-dhiska dalka.”

Madaxweynahu waxuu ka codsaday beesha caalamka inay ku daydaan Norway oo ay si toos ah ula shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u sahlanaato in adeegyada bulshada loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.

–          DHAAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), 

Senior Advisor & Spokesperson to
the Office of the President,

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online