Odayaasha dhaqanka Mudug iyo Sh Xassan Daahir Aweys oo is afgarad buuxa gaaray

June 26, 2013 - Written by Editor

DSC03196Cadaado:-Sh Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa warar na soo gaaraya ay sheegayaan in uu hadda ku sugan yahay deegaan ay maamulaan maamulka Ximin iyo Xeeb wada hadal dheer ka dibna la isla gaaray is afgarad ah in Sh Xassan Daahir Aweys uu yimaado magaalada Cadaado.

Wararkeenii xalay ayaa waxaan ku sheegnay in ay u socdaan Shiikh Xassan Daahir Aweys iyo odayaasha dhaqanka ee Gobolka Mudug wada hadal la doonayo in Shiikh Xassan Daahir Aweys looga soo badbaadiyo Shirqoolo ay dhici karto in uu u dhigo hogaamiyahah ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo ciidanka Itoobiya.

Afhayeenka Maamulka, Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafey ayaa saxaafada u xaqiijiyey in Sh Xassan Daahir Aweys uu ku sugan yahay degaano ay maamulaan maamulkooda , balse warar Halgan.net ay si gaar ah u heshay ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka Mudug iyo Sh Xassan Daahir ay wada hadal isla gaareen.

Halgan.net ayaa isku dayi doonta in ay xiriir la samayso Sh Xassan Daahir Aweys haddii alle idmo inagoo hadba wixii cusub u soo gudbin doona Akhristayaasha sharafta badan ee mareegta Halgan.net

 

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online