Puntland oo Cambaareysay weerarkii lagu qaaday xarunta UNDP ee Muqdisho
June 19, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Dowladda Puntland ayaa waxaa ay cambaareysay weerarkii lagu qaaday maanta xarunta UNDP waxaana ay tacsi u dirtay dhamaan dadkii ku dhintay oo isigu jiray shaqaalo ka tirsan UNDP-da iyo dad rayid ah.
Wasiirka warfaafinta Puntland Eng Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay inay Puntland tahay cida ugu horeysa ee ka danqata dhibaatada lagu hayo shacab Soomaaliyeed iyo dhamaan cid kasta oo gacan ku siineysa in ay dib uga soo kabtaan colaadii sokeeye .
Wasiirka warfaafinta Puntland Eng Maxamuud Caydiid Dirir ayaa galabta shirjaraa,id ku qabatay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan kuwa dhaqanka ka dhigtay leynta dadka rayidka ah iyo hay,daha u soo gurmaday.
Xildhibaan Maxamuud Cabdicasiis Cadooyo ayaa isagana ka hadlay weerarkii lagu qaaday xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho waxaana uu ku eedeeyey DFS in ay ka gaabisay kaalintii amniga wuxuuna sheegay in dowlada ku mashquushay badalida Dastuurkii DFS iyo arimo kale taas oo ka mashquulisay ayuu yiri sugida amaanka magaalada Muqdisho.
M_M Deeq
Halgan.net