Ra’iisulwasaare Saacid oo furay shir looga hadlayo mideynta manaahijta waxbarashada Soomaaliya

June 18, 2013 - Written by Editor

IMG_0542Muqdisho:-Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir heer qaran ah oo looga arrinsanayo dib-u-habaynta waxbarashada Soomaaliya, shirkaan ayaa lagu wadaa inuu socdo mudo saddex maalmood ah. Waxaana soo qabanqaabiyey Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada, Hay’adaha UNESCO iyo UNICEF.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay xeeldheerayaal dhinaca waxbarashada, oo ka kala yimid gobollada dalka iyo dibadiisaba. Ra’iisul Wasaaraha aya khudbadda uu madasha ka jeediyey ku sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay qorshaynayso inay miisaaniyad balaaran u qoondayso waxbarashada dalka.
Dawaxay ku dadaalaysaa inay waxbarashada u qoondayso miisaaniyad lamid ah midda amniga iyo difaaca dalka u qorshaysan, ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu. Waxaana uu ku baaqay in si dad dag ah loo baneeyo xarumihii waxbarashada ee dawladda, “dadka deggan dugsiyadda iyo dhismayaasha kale ee dawladda waxaan ugu baaqaynaa inay si deg deg uga guuraan goobahaas waxbarasho.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay dib-u soo noolaynta tacliinta sare waxaana uu sheegay in dawladdu ku hawl-jirto in Jaamacadii Ummada dib loo furo.

“Waxaan ka shaqeynaynaa sidii dib loogu hawlgelin lahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed waxaana lagu soo kordhin doonaa kulliyado hor leh iyo machadyo sare oo iyada hoos yimaada.” Ayuu tiri Ra’iisal Wasaaruhu. Waxaana uu dhanka kale sheegay in yoolka laga leeyahay dib-u-habaynta waxbarashada ay tahay sidii looga hor tegi lahaa fikradaha qaldan ee ku dhisan xagjirnimada iyo qabyaaladda, iyo sidii loo dhisi lahaa bulsho ka caafimaad qabta fikradahaas.

Shirka dib-u-soo noolaynta waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maalinta khamiista ah ee soo socota, waxaana laga soo saari doonaa qorshe qaran oo ay hagayso Wasaaradda Hormarinta iyo Adeega Bulshada iyo talooyin ku aadan manhaj midaysan oo ay Soomaaliya yeelan doonto kaddib 22 sano.

DHAMAAD

Xafiiska Raisulwasaaraha

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online