Sarkaal maanta lagu dhaawacay magaalada Kismaayo

June 18, 2013 - Written by Editor

KismaayoWararka naga soo gaaray magaalada Kismaayo  ayaa sheegay in gudoomiye ku xigeenkii hore ee maamulkii ku meel gaarka Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Raadeer) ay dhaawaceen maleeshiyaad ka soo jeeda gobolka Gedo oo ay isbaaro u taalay  jidka aada dekkada Kismaayo. Gudoomiye ku xigeenkii hore ee maamulkii ku meel gaarka Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Raadeer) oo isku dayey in uu la hadlo maleeshiyaadka  isbaarada dhigtay ayaa waxaa ay xabad ku fureen Sarkaalka , xabad ayaa ka haleeshay madaxa waxaan loola cararay Isbitaalka ay Kismaayo ku leeyihiin  ciidanka AMISOM.

Maleeshiyaadka  dhawaacay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee maamulkii ku meelgaarka Yaasiin Nuur Gaas (Yaasiin Raadeer) ayaa waxaa hor jooge u ah Bashiir Quuto. Odayaasha magaalada Kismaayo ayaa wada in ay xaaalada dejiyaan iyagoo xiriir la sameeyey madaxda maamulka Jubbaland  iyo maleeshiyaadka dhaawaca u geystay  Yaasiin Raadeer.

Dhinac kale qarax miino oo ah kan dhulka lagu aaso ayaa maanta waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Via Afmadow , ilaa hadda lama yaqaan khasaarah dhabta ah ee soo gaaray ciidanka AMISOM.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online