Sh.Maxamuud Shible oo dowro ka bilaabay Masjidka Shaafici ee Johannesburg
June 15, 2013 - Written by EditorJohannesburg:-Waxaa habeenkii Axada soo galaysay oo ay bisha ahayd 15/06/13 ka bilaabay dowro masjidka imaamu shaafici ee Johannesburg , Sh.Maxamuud Sh. Maxamed Shibli, ayaa waxaa uu dowrada ka akhrin doonaa Kitaabka (qacaacidul fiqhiyah) ee uu alifay Al-callamah C/ramaan Ibnu Sacdi allaaha u naxariistee, dowrdaan oo timid ka dib markii ay maalintii shalay ay magaalada Johannesburg safar dacwo ku soo gaareen Sh.Maxamuud Shibli iyo Sh C/raxmaan Abulcaynayn.
Kitaabka uu Sh.Maxamuud Shible akhrinayo ayaa waxaa aad ugu baahan dhalinyarad ducaada ah si ay u bartaan cilmiga sharciga iyo bulshada kale ee ku xiran Masjidka. Dowradaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay socoto ilaa saddex habeen iyadoo dadka shacab ah oo fara badan ay soo xaadireen dhagaysiga Duruusta iyo dowrada ay bixinayaan culimadu.
Maalintii sabtiga ahayd 15/06/2013 ayaa waxaa muxaadaro qiimo gal ah ka jeediyey Masjidka Imaamu shaafici ee magaalada Johannesburg Sh C/raxmaan Abulcaynayn waxaan uu Shiikhu ka hadlay “Macsiyada iyo raadka xun ay ku leedahay mujtamaca iyo shaqsigaba”. Sheekha ayaa waxaa uu si faahfaahsan u tilmaamay sidda ay saameyn ugu yeelanayso macsiyada mujtamaca iyo shaqsigaba iyadoo sheikha uu ku soo koobay muxaadaradiisa afar xadiis oo nabiga (calayhi salaatu wasalaam) ka sugnaaday isagoo ku tadbiiqiyay waaqica aan ku suganahay iyo sidda ay saameyn xun noogu yeelatay macsiyada fardi ahaan iyo mujtaca muslimka ahba, gaar ahaan sheekha wax uu si gaar ah u tilmaamay mujtamaca soomaalida iyo sameenta xun ee ku yeelatay macaasida iyo dunuubta ay samaynayaan iyagoo iska hilmaamsan in dhibka na hayaba uu qayb wayn ka yahay dunuubta aan galayno.
Ugu danbaystii sheekha waxaa uu ugu baaqay dadkii dhagaysanayay muxaadarada iyo ummada muslimka ahba in ay allah u toobad keenaan si axwaashanada u hagaagto.
Waxaa diyaariyay
Maxamed aadan c/lle
Madaxa dacwada gobolka
Gauteng ee albayaan