Siminaar diini ah oo lagu soo khatimay Magaalada Hargeysa Ee Maamulka S/land
June 15, 2013 - Written by EditorHargeysa:-Siminaar iyo dowro lagu qaatay duruus kala duwan ayaa waxa lagu soo gabagabeeyey Hotel Ambasadoor ee magaalada Hargeysa.Dowradan oo muddo 10 cosho ah ka socotay xarunta jaamacada Badar ayaa waxa ka faa,iidaystay macalimiin isugu jira rag iyo dumar oo tiradooda dhamayd 139 macalin oo ka kala socday gobolo kala duwan. Macalimiinta ayaa waxa ay ka socdeen iskuulada sakan tariyada iyo macaahida shareecada.
Dowrada ayaa waxa casharada ka bixinayey macalimiin ka socday boqortooyada sucuudiga oo tiradoodu dhanayd 6 macalin,dawrada ayaa waxa lagu qaatay in tii ay socotay mawaadiic ka laduwan,oo dhammaantood kor u qaadaya aqoonta macalinka.
Macalimiintan sucuudiga ah ayaa waxa sidoo kale la socday 6 dhakhtar oo takhasusaat kala duwan leh oo muddo 10 cisho ah hawlgal caafimaad oo bilaash ah ka waday cisbitaalka guud ee magaalada Hargaysa. Waxana ka faaa,iidays boqolaal qof oo kala duwan, culimada iyo dhakhaatiirta oo shalay ka duulay madaarka magaalada Berbara ayaa waxa ay ka tagen raad balaadhan xagga aqoonta iyo wacyigalinta iyo xagga caafimaadka intaba,iyada oo intii ay joogeen si aan kala go lahayn u waday howlaha aan kor ku xusnay,
no images were found
Haddaba maaliitii khamiista ee bishu ahayd 13/6/2013 ayaa waxa lagu qabtay xafalad khitaami ah hotel Ambasador ee magaalada Hargeysa waxana ka soo qayb galay,Wasiirka diinta iyo owqaafta wasiirka dib u dajinta wasiirka caafimaadka saraakiil ka socda wasaarada waxbarashada s/land , culimo kala duwan iyo marti sharaf kale.
Waxaana la gudoonsiiyey shahaadooyin ardaydii ay u dhamaatay dowradu.Dawradan ayaa waxa isku soo dubariday raabidada macaahida shareecada iyo mu,asasada alkaram ee dacwada iyo horumarka.
Halgan.net
Hargeysa