Socdaalkii dacwadeed ee Sheekh Maxamuud Shible ku tagay Soomaali Galbeed‏

June 10, 2013 - Written by Editor

Hordhac

Waxaan halkan kusso gudbinayaa safartii dacwadeed ee aan ku aaday wadanka ay Soomaalidu ka degantahay Ethiopia oo loo yaqaano magacyo dhawr ah sida:

Soomali Galbeed.

Kililka shanaad.

Ogaadeeniya ( Ogaden ).

Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Waxaan ka degay Addis Ababa subax Isniin ah 04/02/2013, waxaana kasoo dhoofay maalin Arbica ah 17/04/2013, waxay mudadaas noqonaysaa 2 bilood iyo 13 habeen.

Waxaan tagay magaalooyinka kala ah:

Addis Ababa: oo aan ka degay kana soo dhoofay, waxaana joogay ( 9 habeen, 6 sii socodkii ah (5-9 feb 2013) iyo 3 soo socodkii ah (14-17 April).

Jigjiga: oo ah caasimadda Soomaalida, waxaan tagay 9-feb, waxaan ka safray kuna soo laabtay dhawr jeer, waxaan joogay wadarta 30 habeen ).

Godey: oo ah caasimadda 2aad ee Soomaalida, waxaan tagay 2-March, waxaana kasoo laabtay 25-March, oo ah 23 habeen.

Qabri Dahare: oo ah badhtamaha deegaankaas, waxaan tagay 28-March, waxaan kasoo laabtay 01 April. Oo ah 4 habeen.

Diridawa: oo ah caasimadda 2aad ee Ethiopia, Soomaliduna leedahay 50% maamulkeeda, waxaana joogay 6 habeen oo laba jeer kala ahayd.

Waxan tagay magaalada Qabri bayax oo jigjiga u jirta 55 Km, hase ahaatee waan kasoo laabtay oo maanan baryin.

Waxaa kale oo aan tagay magaalooyinka Baarguun iyo Beer caano, oo ku dhaw Godey mase aanan baryin oo waxaan dib ugu soo laabtay Godey.

Waxaan u raacay Godey iyo Jigjiga diyaarad, halka aan inta kale u raacay gawaadhi aan dhulka ku maray.

Waqtigaan tagay waxuu ahaa xilliga Jiilaalku dhamaanayo ee qoraxduna aadka u kulushahay, bisha halkaas looga yaqaanno Habar adhi.

Waxaa iigu curtay roobabkii Guga anigoo jooga magaalada Godey 22-kii March oo Jimce ku aadanayd, waxayna roobabku kasoo hormareen xilligii guga oo la filayey ilaa 10-ka April.

Waxaan tagay intaas waxii ka danbeeyay dhulka oo aad uga da’ay roobka guga oo tigaad ama aaran ah, walina kulaylkii kaliishu taagaynyahay.

Cimilada dhulku waa kolayl sida u badan yahay dhulalka Soomaalidu degaan, marka laga reebo Jigjiga iyo agaheeda oo xidta qaboobaha.

Safartaydu waxaa ugu muhiimsanaa in aan soo indha indheeyo baahida diineed ee ka jirta deegaankaas oo uu dagaal diimeed ka socday ku dhawaad 20 sano.

Cudurdaarasho:

Waxaan hordhaca qoraalkayga kaga cudurdaaranayaa laba arrimood oo kala ah:

Magaalooyinka ama gobolada katirsan deegaanka ee aanan tagin, ama waxaa adkaa jidadka loo marayo, ama waxaa jiray duruufo nabadgalyo oo aan uga baaqday.

In aanan wax kasta kasoo gudbin Karin faahfaahin, waayo waxaa dheeraanaya qoraalka, waxayna keenaysaa in dadku ka daalaan, sidaas darteedna waan soo koobayaa.

Waxaan warbixintayda u qaybin doonaa dhawr qeybood oo kala ah:

Baahida Dacwada iyo waxa laga qaban karo.

Baahida waxbarasho iyo waxa laga qaban karo.

Qiimayn guud oo deegaanka iyo dadkiisa.

Waxaa Qoray/

Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Shibl

Waxaa xigi doona Qeybtii 1aad.

( xogta Dacwada iyo Waxqabadka degdega ah )

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online