Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Degmada Baraawe iyo Saraakiil baxsaday

June 24, 2013 - Written by Editor

astaanta-al-shabaabjpBaraawe:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Baraawe ayaa sheegaya in xaalada guud ee magaalada ay degan tahay waxaana Degmada si buuxda gacanta ugu haya ciidamo taabacsan Amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane. .

Dagaalkii dhexmaray ciidamo ka wada tirsan Al-Shabaab 20 bishaan ayaa waxaa ku dhintay  ilaa 6 ka mid ah ragga Muhaajiriinta ah oo taabacsan Cumar Xamaami (Abu Mansuur Al-Amriki ).Halgan.net ayaa xiriiro kala duwan la sameysay ilo wareedyo  aad ugu dhow Sh Xassan Daahir Aweys  waxaana loo xaqiijiyey dhimashada 6 qof iyo dhaawaca tobaneeyo kale.

Sh.Xassan Daahir Aweys oo khadka Telka aan ku helnay ka dib dagaalka ka dhacay Degmada Baraawe ayaa ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo iska horimaadka ka dhacay Degmada Baraawe .War saaka  soo gaaraya Halgan.net ay sheegayaan in saraakiil ka tirsan ururka Al-shabaab ay doon xalay ka qaateen Degmada Baraawe iyaga isaga cararay Degmada Baraawe.Warar qaar ayaa sheegaya in saraakiisha doonta ku baxsaday  ay ka mid yihiin Sh. Xasan Daahir Awey iyo Cabdifitaax Maxamed Cali oo ka mid ahaa Saraakiisha Ururkii burburay ee Xisbul Islaam .

Magaalada Baraawe ayaa waxaa ciidanka Amniyaadka ee taabacsan Amiirka Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane ay gacanta ku dhigeen sida aan ka helnay ilo wareed ku dhow Al-Shabaab kuna kala sugan Baraawe ,Hiiraan iyo magaalada Muqdisho masuuliyiinta kala ah.

1-Cabdi Xamiid Xaashi Colhaye oo loo yaqaan Macalin Burhaan oo ay xaaladiisa ka soo baxayaan warar kala duwan .
2-Xikmatyaar Al Hargeysaawi
3-C/rashiid Abu Yonis Al-Gedaawi  oo ahaa Masuulkii Maktabka Dacwada Al-Shabaab.
4-Zubeyn Al-Muhaajiri
5-Ibraahim Xaji Miicaan (Afgani) oo ay xaaladiisu warar kale duwan ay ka soo baxayaan
6-Abu Yuusuf Al-Muhaajir

Waxaa kale oo ay warar kala duwan ka soo baxayaan xaalada Abu Bakar Al-Zaylici (Ibraahim Xaji Miicaad Afgaani) xiriiro kala duwan oo aan la sameynay Degmada Baraawe iyo Hiiraan ayaa waxaa la sheegayaa in gacanta lagu dhigay waxaana baxsaday sarkaal lagu magacaabo Xassan Afrax.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Abu Bakar Al-Zaylici (Ibraahim Xaji Miicaad Afgaani) iyo Cabdi Xamiid Xaashi Colhaye  lagu dilay howl galkii ay sameeyeen ciidanka daacada u ah Axmed Cabdi Godane wallow wararku ay sheegayaan in Ibraahim Afgaani uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray balse Macalin Burhaan la qabtay ka dibna la dilay.

Maalmihii u danbeeyey ayaa waxaa sii xoogeystay khilaafka ka dhex aloosan Ururka Al-shabaab ka dib markii Amiirkooda uu ku adkeystay in uu yahay Amiir Caam ah oo leh daacad qofkii diidana uu docwareemayo Jihaadka iyo Mujaahidiinta waxaana ay hogaanka sare ay soo saareen bayaan kaas oo ay ku cadeeyeen in sabarkii ka dhamaaday lana dili doono cida khilaafka ka dhex wada Ururka. Xaalada ka dhex aloosan gudaha Al-shabaab waa mid ay culumada horey uga hadleen lana wada dhowrayey mar haddii quluwiga uu gaaray in gaalo lagu xukmiyo culumada Soomaaliyeed qaarna la dilay iyaga oo salaad ku jira ama sooman.

Wararka oo faahfaahsan ayaan dib idinkaga soo tabin doonaa haddii Alle idmo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online