Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo

June 28, 2013 - Written by Editor

cabaasKismaayo:-Wararka ugu danbeeyey ee ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose ayaa sheegay in Col. Cabaas  Ibraahim  Gureey oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Dowllada Federaalka ee Soomaaliya ee Gobolka Gedo ay xireen ciidanka Kenya , Col. Cabaas Ibraahim ayaa waxaa laga dhoofiyey garoonka diyaaradaha  ee Kismaayo waxaan hadda lagu hayaa  Saldhig ku yaal  degmada Dhoobley.

Col. Cabaas  Ibraahim  Gureey oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidanka Dowllada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu weeraray ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo isagoo ku eedeeyey in ay dhibaato ka wadaan magaalada ayna taageerayaan maamulka Jubbaland oo uu ku tilmaamay Jabhad gaar ah.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegay in Col. Cabaas  Ibraahim  Gureey loo qaaday degmada Wajeer oo ay hadda ay ciidanka Kenya ku hayaan Saldhig ku yaal iyagoo ku eedeeyey in uu qayb ka yahay rabshadaha dagaal ee k a jira magaalada Kismaayo.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dagaalka uu hadda yahay mid sii qaboobaya walow maanta dhowr jeer uu xoogaystay waxaan hadda dagaalka uu ku soo kooban yahay  Warshadii hore ee Hilibka iyadoo la maqlayo rasaas  mar mar la isku ridayo.

Ciidanka Kenya ee iyagu ku sugan magaalada Kismaayo ayaa iyagu aan weli qayb ka ahayn dagaalka ka socda Kismaayo waxaan ay ku sugan yihiin Garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo Dekkada Kismaayo iyagoo ka haya ilaalo gaar ah.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online