Wasiiradda Arrimaha dibadda DFS oo ka jawaabtey qoraal ku soo baxay SomaliTalk.com

June 6, 2013 - Written by Editor

mou_saxiix_fawziaSiyaasiyiinta marka ay doonayaan in ay khaldaan rayiga dadweynaha waxay adeegsadaan hadallo ay u dhigayaan sida dadku jecelaan lahaayeen in ay ka maqlaan madaxdooda, laakiin marka la dhuuxo ah “xuub caaro isku qarin” oo aan u daadegeyn gunta qaddiyadda markaas laga hadlayo.Jariidadda Daily Nation ee ka soo baxda Nairobi oo ka hadlaysay heshiis dhaxmaray Kenya iyo Soomaaliya, ayaa caddadkeedii soo baxay June 1, 2013 waxay qortay sidan:

  • The Kenyan and Somalia ministers said they would work on modalities for embarking on maritime demarcation. They also reviewed previous agreements and memoranda of understanding signed between Kenya and Somalia, and their levels of implementation.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee DFS, Fowsiya Xaaji Aaden, ma aysan beenin warkaas, waxna kama odhan qoraalkaas ku soo baxay jariidadda reer Kenya.

Laba maalmood kadib, June 3, 2013, ayaa SomaliTalk.com waxay heshay nuqul qoraalkaas oo ay May 31, 2013 kala saxiixdeen Wasiirada Arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya oo ay ku caddahay:

  • “Labada Wasiir (ee Kenya iyo Soomaaliya) waxay hoosta ka xarriiqeen sidii loo agaasimi lahaa hab-raaca lagu samaynayo xarriiqda xadaynta badda”. “Wasiiradu waxay lafa gureen heshiiskii hore ee Is-fahamka ahaa (MoU) ee u dhax maray Kenya iyo Soomaaliya iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa.”

Maalin kaddib, June 4, 2013 ayaa Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf X. Aadam oo waraysi siisay Idaacadda Boqortooyada Britain waxay SomaliTalk.com ku eedaysay in “Saxiixeeda la dul saaray qoraalkaas”.

Ugu horayn SomaliTalk.com waxay wasiiradda Arrimaha Dibadda DFS weydiinaynaa in ay caddayn rasmi ah ka bixiso in qoraalka nuqulkiisu ka muuqdo halkan ay saxiixday iyo in kale. Sawirkan miyuusan ahayn markii aad saxiixaysay?

Halkaan ka akhri warbixnta Somalitalka oo dhamaystiran

Source:SomaliTalk.com

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online