Wasiirka Arimaha Gudaha ee DFS oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday xarunta UNDP
June 19, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee DFS Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa faafaahin ka bixiyay weerarkii lagu qaaday xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho waxaana uu ka waramay khasaaraha ka dhashay weerarkaas.
Wasiirka arrimaha gudaha Dowlada Federaalka Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo shir jaraa’id qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen 4 sarkaal oo u dhashay dalka Koonfur Afrika iyo 4 Soomaali ah oo ka mid ahaa shaqaalaha UNDP.
Wasiirka ayaa waxaa waxa kale oo uu sheegay in goobta ku dhinteen 7 ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee DFS ayaa amaan u jeediyey ciidanka amniga DFS qeybahooda kala duwan waxaana uu sheegay in la soo afjarey weerarkii lagu qaaday xarunta UN-ka ee magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net