Wasiirka Difaaca Dowllada Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ku laabtay
June 10, 2013 - Written by EditorMuqdisho:Waxaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya Wasiirka Difaaca ee dowllada Federaalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.
Wasiirka Difaaca DFS C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay keeneen dadkii ku dhaawac may dagaalkii maalmo dhaweyd ka dhacay magaalada Kismaayo isagoo sheegay in Ehelad dadka dhaawac ah ay ka codsadeen Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay daaweeyaan dadkii wax ku gaareen dagaalkii Kismaayo.
Wasiirka Difaaca ee dowllada Federaalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa shirkiisa Jaraa’id waxaa uu ku xusay in Dowllada Federaalka Soomaaliya ay ku guulaystay in la joojiyo dagaalkii ka dhacay magaalada Kismaayo ka dib markii ay la hadleen Odayaasha dhaqanka Kismaayo iyo waxgarad kale si loo joojiyo colaada.
Dhinac kale Madaxda Maamulka Gobolleedka Jubbaland ayaa waxaa ay dagaalkii ka dhacay Kismaayo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyeen soona abaabuleen Madaxda ugu sareysa ee dowllada Fedeaalka Soomaaliya waxaan ay si gaar ah ugu eedeeyeen Wasiirka Difaaca ee dowllada Federaalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo isaga iyo wafdi ka socda Dowllada Federaalka ay ku sugnaayeen magaalada Kismaayo.
Cabdi Yare
Kismaayo