Wasiirka G/dhiga ee DFS oo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan
June 25, 2013 - Written by EditorHiiraan :-Wafdi uu horkacyo wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaan halkaas ku soo dhaweeyey masuulinta gobalka iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.
Wafdiga wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya waxaana socdaalka ku weheliya wasiirka G/dhiga Xildhibaano,iyo safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble.
Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan wuxuuna sheegay inta uu joogo magaalada B/weyne in uu qiimeyn iyo kormeer ku sameyn doono tayada ciidanka DFS.
Wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay bilaabi doonaan howlgalo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab .
A/Cawale
Halgan.net