Xaflad lagu daahfurayo Radio Puntland oo ka dhacday xarunta PDRC ee Garoowe
June 6, 2013 - Written by EditorGaroowe:Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray RadioPuntland oo si tijaabo ah maalmihii la soo dhaafay hawada ugu jirtay . Xaflad lagu qabtay xarunta PDRC ee magaalada Garoowe ayaa lagu daahfuray Radio Puntland waxaana munaasabada ka soo qeyb galay dhamaan suxufiyiin ka howlgala magaalada Garoowe. Munaasabada lagu daahfuray Radio Puntland ayaa waxaa khudbad kooban ka jeediyey Agaasimaha guud ee warbaahinta dowlada Puntland Axmad Maxamed Cali ”Ahmed Kismayo” oo mudo dheer ka soo shaqeynayey Idaacada Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Agaasimaha guud ee warbaahinta Puntland Axmad Maxamed Cali ”Ahmed Kismayo” ayaa sheegay in ay diyaariyeen wariyaashii ka howlgali lahaa RadioPuntland wuxuuna shaaca ka qaaday in 08 June,2013 bilaabi doonaan si toos ah baahinta barnaamijyada RadioPuntland
Mowjada Radio Puntland ayaa waxaa laga dhageysan doonaa maalintii waa SW1 24.4 Mitra-Band halka habeenkiina laga dhagey san karo SW2 49 Mitra-Band. Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa furay Radiyaha iyo Tv-ga Puntland April 11, 2013 waxaana Idaacada iyo Tv-ga Puntland maalgliyey dalka Talyaaniga. Ilo wareed ku dhow wasaarada warfaafinta Puntland ayaa sheegay in Tv-ga Puntland uu hawada soo gali doono bisha soo socota ee July 2013.
M_M Deeq
Halgan.net