Xildhibaan Aadan Bare:Jubbaland waan aqoonsanahay Kenyana ka bixi meyso Kismaayo
June 10, 2013 - Written by EditorGarisa:-Guddoomiyaha xildhibaanada xibul xaakimka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay si buuxda u taagersan tahay dhismaha Jubbaland iyo doorashadii Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ayaa si kulul u difaacay joogitaanka ciidanka Kenya ee Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhajiyey inay sharci ku joogaan, isla markaasna ay sii joogayaan inta ciidanka AMISOM ay ku suganaanayaan waddanka Soomaaliya.
Mudane Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya, ay kala hadleen arrimaha Jubbooyinka, isla markaasna ay u sheegay inay sax u arkaan maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe.
Hadalka Xildhibaan Aadan Barre, ayaa waxa uu ku soo aadayaa xili dowladda federaalka Soomaaliya, ay rumeysan tahay in ciidanka Kenya ee J/hoose ku sugan ayan dhexdhexaad ka aheyn amuuraha ka aloosan Jubbooyinka.
Halgan.net/Somalireal