Xildhibaano ka tirsan Dowllada Federaalka Soomaaliya oo gaaray Degmada Cadaado

June 27, 2013 - Written by Editor

diyaaradMuqdisho:Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka DFS oo ay isku heyb yihiin Sh.Xassan Daahir Aweys ay saaka u baqooleen magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Ilo wareed ku sugan magaalada Muqdisho ayaa u sheegay Halgan.net in xildhibaano ka soo jeeda gobalka Mudug iyo Galgaduud ay u baqooleen magaalada Cadaado waxaana socdaalkooda ku weheliya Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cadde) oo ka tirsanaa Xisbul Islaam  balse markii danbe ku biiray dowladii uu madaxada uu ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafey ayaa warbaahinta u sheegay goordhow in ujeeddada socdaalka wafdiga ka kooban xildhibaano iyo masuuliin kale ay ku tageen magaalada Cadaado uu yahay  in laga  wada-hadallo xaaladda Xasan Daahir Aweys iyo cidda ay ku wareejin lahaayeen Maamulka Ximin iyo Xeeb .

Waxaa jira warar aan wili la xaqiijin oo sheegay in Madax ka tirsan DFS ay ka codsatay Sh. Xassan Daahir Aweys in uu yimaado magaalada Muqdisho balse uu wili ka caga jiidayo Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo saraakiisha la socota. Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay wada dhowrayaan mowqifka uu qaadan doono Sheekh Xasan Daahir Aweys ka dib markii shirqool lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab qaarka la dhigay Xabsiyo qarsoodi ah

A/Cawale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2013
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online