Al-shabaab oo sheegay in gaadiid dagaal ay ku qabsadeen dagaalkii ka dhacay Xerada Laanta Buuro.[Masawiro]

March 22, 2016 - Written by Editor

DSC06513Muqdisho:-Ururka Al Shabaab ayaa marki ugu horaysay waxaa ay ka hadleen weerar ay ku qaadeen Xerada Laanta Buuro oo ku taallo Gobolka Shabeellaha hoose oo saldhig u ahayd ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. ururka Al-shabaab ayaa waxaa ay saxaafadda u soo bandhigeen gaadiid dagaal oo ay ku qabsadeen weerarka ay ku qaadeen Xerada Laanta Buuro oo ku taallo Gobolka Shabeellaha hoose oo tababar lagu siinayey cidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Ururka Al Shabaab Cabdicasis Abuu Muscab oo la hadlay saxaafadda ayaa xusay in dagaalkaas ay ku qabsaden gaadid fara badan ayna dileen 70 ka tirsan cidana dowladda Federaalka Soomaaliya halka qaar kalena ay isku dhiibeen ciidankooda waa sidda uu hadalka u dhigaye.

Saraakiisha ururka Al-shabab ayaa saxaafadda u soo bandhigay ilaa 8 gaari oo ay sheegeen in ay qabsadeen weerarkii ay ku qaadeen Xerada Laanta Buuro oo ku taallo Gobolka Shabeellaha hoose.

Dhinac kale Afhayeenka Ururka Al Shabaab Cabdicasis Abuu Muscab ayaan ka hadal ilaa hadda dagaalo ka dhacay mudo usbuuc ah xeebaha gobolka Nugaal iyo Mudug ee Puntland iyo maxaabiis iyo meydad ay soo bandhgeen Saraakiisha Ciidanka dowladda Puntland ayna sheegeen in ay ku qabteen dagaaladii ka dhacay inta u dhexeysa Togga Suuj  ilaa Garmaal  ee Gobolka Nugaal.

Isha masawirada
Raxanreeb.com

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online