Ciidamo ka tirsan Puntland oo qayb ka ahaa dagaalki ka dhacay Togga Suuj iyo Garmaal oo dib ugu soo laabtay Qardho
March 21, 2016 - Written by EditorQardho:-Ciidamo ka tirsan dowladda Puntland oo qayb galay dagaalkii ka dhacay Togga Suuj iyo Garmaal oo ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, Saraaiisha la socotay ciidankaan ayaa shegay in howlgalkii ka socday Gobola Nugaal la soo afmeeray. Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland ee soo gaarya Qardho ayaa sheegay in 65 ay ka dileen ciidankii Al-shabaab halka nolosha ay ku qabteen 31 maxbuus.
Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdulqaadir Siciid Carshe oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in howlgalku uu si socon doono isagoo xusay in ciidamada Puntland ay adkeyn doonaa amniga xeebaha Puntland. Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabuqaadir Siciid ayaan carabaabin halka ay ciidamadaan ku wajahan yihiin ka dib howlkii ka socday xeebaha Nugaal oo soo afmeermay.
Dhinac kale waxaa weli socda Koonfurta magaalada Garacad dagaal u dhexeeya ciidanka Puntland iyo Ururka Al-shabaab mana jiro weli faahfaahin ka soo baxday maadaam dagaalku uu weli socdo.
Wixii faahfaahin ah kala soco Halgan.net.
M_M_Deeq
Halgan.net