Ciidamo ka tirsan Puntland oo qayb ka ahaa dagaalki ka dhacay Togga Suuj iyo Garmaal oo dib ugu soo laabtay Qardho

March 21, 2016 - Written by Editor

shilkeQardho:-Ciidamo ka tirsan dowladda Puntland oo qayb galay dagaalkii ka dhacay Togga Suuj iyo Garmaal oo ayaa dhawaan soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, Saraaiisha la socotay ciidankaan ayaa shegay in howlgalkii ka socday Gobola Nugaal la soo afmeeray. Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland ee soo gaarya Qardho ayaa sheegay in 65 ay ka dileen ciidankii Al-shabaab halka nolosha ay ku qabteen 31 maxbuus.

Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdulqaadir Siciid Carshe oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in howlgalku uu si socon doono isagoo xusay in ciidamada Puntland ay adkeyn doonaa amniga xeebaha Puntland. Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabuqaadir Siciid ayaan carabaabin halka ay ciidamadaan ku wajahan yihiin ka dib howlkii ka socday  xeebaha Nugaal oo soo afmeermay.

Dhinac kale waxaa weli socda Koonfurta magaalada Garacad dagaal u dhexeeya ciidanka Puntland iyo Ururka Al-shabaab mana jiro weli faahfaahin ka soo baxday maadaam dagaalku uu weli socdo.

Wixii faahfaahin ah kala soco Halgan.net.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online