Dagaal ka socda magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Gal-gaduud
March 2, 2016 - Written by EditorDhuusamareeb:-Wararka naga soo gaaraya magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Gal-gaduud ayaa in xalay ilaa saaa waxaa a socda dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka gobollada dhexe ee Suufiyada iyo Sarkaal horay uga soo goostay ciidanka dowladda Federaalka Soomaalya ee raacsan maamulka Gal-Mudug laguna magacaabo Liibaan Maxamuud Madaxweyne.
Dagaalka ayaa salka ku hayey ka dib markii muran uu ka dhashay markii maamulka Gobollada dhexe ay ku amreen Liibaan Maxamuud Madaxweyne oo ahaa Sarkaal horay ka soo goostay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee raacsan maamulka Gal-Mudug uu u hubkiisa ku wareejiyo maamulka Gobollada dhexe ee Suufiyadu hogaamiso.
Dagaalka oo ka dhacay Magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in Ciidamada ka tirsan Maamulka Gal-Mudug ay ku soo biireen dagaalka islamarkaana ay qeybo ka mid ah xaafaddaha ay ka dagaalamayeen sidda saxaafadda ay ka soo xigatay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gal-Mudug
Dagaalka ka dhacay magaalada dhuusamareeb ee Gobolka Gal-gaduud oo ah mid nasiib daro ah ayaa waxaa khasaaro ka soo gaartay guryo iyo goob ay degan yihiin dadka shacabka ah halka khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay soo kala gaareen maleeshiyaadkii uu dagaalka ka dhex socday.
Ciidanka maamulka gobollada dhexe ee Suufiyada ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen Saldhiga Booliska iyo goobo kale oo xalay ay ka baxeen markii dagaal lagu qaaday ka dibna dagaalkii saaka ayaa waxaa ay ku qabteen Sarkaalkii hogaaminayey dagaalka ee raacsanaa maamulka Gal-Mudug oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne.
A/cawaale
Halgan.net