Dagaalka Puntland iyo Al-shabab oo weli socda.[Dhagayso]

March 21, 2016 - Written by Editor

askariGaracad:-Wararka ka imaanaya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in maanta uu mar kale dagaal ka dhacay deegaano u dhow deegaanka Garacad ee gobolka Mudug. Dagaalka ayaa maanta ka socda laba furin, sida ay wararku sheegayaan. Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in afar askari ay uga dhimatay dhowr iyo labaatanna ay kaga dhaawacantay dagaal ilaa shalay halkaasi ku dhex marayay ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab ee ay baacsanayaan.

Waxaa sidoo kale jira maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo ciidamada Puntland isu soo dhiibay, laakiin weli ma cadda tirada maleeshiyada looga dilay dagaalka.Maleeshiyada isa soo dhiibtay ayaa lagu sheegay illaa 29, oo u badan wiil aad u da’ yar. Wariyeheenna Maxamed Cabdi Xasan ayaa dagaaladan ugu dambeeyay wax ka weydiiyay Maxamed Saciid Yuusuf oo ka tirsan idaacadda SBC oo ku suggan magaalada Garacad.

Hoos ka Dhagayso Dagaalka dowladda Puntland iyo Al-Shabaab oo weli socda

Source:VOA

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online