Dagaalkii ka socday Aaga Garacad oo istaagay iyo maxaabiis laga qabtay Al-Shabaab
March 20, 2016 - Written by EditorWararka naga soo gaaraya Degmada Garacad ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in Madaafiic caawa fiidkii lagu garaacayo deegaanadii saaka uu dagaalka ka qarxay qaar ka mid ah waxaana kooxda Al-Shabaab laga saaray gooba kala duwan sida ay warbaahinta maxaliga u sheegeen saraakiisha ciidamada Puntland.
Dagaalka maanta ka qarxay deegaanada Dabakaro ayaa waxaa ka dhashay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac kaasoo gaaray kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka Puntland waxaana lagu dagaalamayey deegaan caduun ah oo leh geedo yar yar .
Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay ka dhinteen 3 askari ayna ka dhaawacmeen 21 kale ,Dhanka kale ciidanka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in uu gaaray khasaaro kala duwan lagana qabtay maxaabiis .
Goobjooge ku sugan deegaanada hoos taga Degmada Garacad ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalkii saaka uu ahaa kii ugu xooganaa laguna arkay goobihii dagaalka ka dhacay maydad badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab .
Dhanka Suuj ee gobalka Nugaal ayaa sheegaya in kooxo ka tirsan Al-Shabaab oo ka firxaday deegaanka Suuj oo gaaraya 40 ay noqdeen 9 nolal lagu qabtay 18 dhaawac ah iyo 13 la dilay waxaana looga daba tagay deegaano ka tirsan gobalka Karkaar ee Qardho.
TV-ga Puntland ayaa waxaa ay baahiyeen meydad ay ku sheegeen kooxda Al-Shabaab kuwaas ku dhintay deegaanka Suuj waxayna tiradooda ku sheegeen 50 .Ilaa hada ma jirto cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay guulaha ay sheeganayaan saraakiisha ciidanka Puntland .
Waxaa goordhaweyd hakaday dagaal xooggan oo u dhaxeeyay kooxda Shabaab iyo ciidamada Puntland, waxaana la maqlayaa Madaafiiic iyo rasaas goosgoos ah .waxaan sidoo kale jira dhaawac la geeyey Degmada Garacad wili ma sugnada tiradooda.
Wixii warar ah ee soo kordha kala socda Halgan.net
M_M Deeq
Halgan.net