Farole “Aniga iyo Gaas isku mowqif ayaan ka nahay 4.5.[Dhagayso]
March 29, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxamaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa ka hadlay shirarka ka socda magalada Garowe ee looga hadlayo doorashada 2016 iyo mowqifkiisa ku aadan qaadashada nidaamka wax ku qaybsiga beelaha. Farole oo la hadlay Radio Garowe, ayaa tilmaamay inuu kulamo la qaatay madaxweynaha Puntland iyo Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake wuxuuna sheegay in wasiirka koowaad ee xukuumadda Somalia ka wada hadleen ujeedka uu u yimi Puntland oo ku salaysan in loo hogaansamo habraaca doorashada Somalia ee magalada Muqdishu lagu go’aamiyay.
Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Farole, ayaa tilmaamay inuusan mowqifkiisii hore waxba iska badalin islamarkaana uu taaganyahay inaan la qaadan 4.5, Ra’isal wasaarahana usoo bandhigay qoraalo iyo warbixino ka hadlaya habkan iyo siduusan ugu haboonayn in Somalia mar kale wax ku doorato.
Wuxuu carrabka ku dhuftay inaysan arrintaasi qancin Cumar Cabdirashiid islamarkaana uusan ka tanaasulin rabitaankiisii ahaa qaadashada 4.5, isagoo safarka Cumar Cabdirashiid ku sifeeyay mid uu ku raadinayo qaabka shacabka Puntland uga dhaadhicin lahaa inay qaataan nidaamkan oo uu xusay inuusan u suurta gali doonin.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale soo hadal qaaday shir dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Gaas isagoo sheegay inay ka wada hadleen xaaladda Puntland iyo doorkii uu ka qaatay dagalladii ka dhacay Puntland.
Farole, ayaa sheegay in madaxda Puntland iyo shacabkoodu ka midaysanyihiin diidmada 4.5, waxaana arrintani kusoo aadaysa xilli magalada Garowe ku suganyahay wafdi uu hogaaminayo Ra’isal wasaaraha Somalia, kuwaasi oo caasumadda Puntland ku qaadanaya kulamo kala duwan oo khuseeya habka loo marayo doorashada dalka Somalia ka dhici doonta 2016.
Hoos ka Dhagayso Waraysiga Radio Garoowe uu la yeeshay Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole
Source:GAROWEONLINE