Farole “Aniga iyo Gaas isku mowqif ayaan ka nahay 4.5.[Dhagayso]

March 29, 2016 - Written by Editor

farooleGaroowe:-Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxamaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa ka hadlay shirarka ka socda magalada Garowe ee looga hadlayo doorashada 2016 iyo mowqifkiisa ku aadan qaadashada nidaamka wax ku qaybsiga beelaha. Farole oo la hadlay Radio Garowe, ayaa tilmaamay inuu kulamo la qaatay madaxweynaha Puntland iyo Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake wuxuuna sheegay in wasiirka koowaad ee xukuumadda Somalia ka wada hadleen ujeedka uu u yimi Puntland oo ku salaysan in loo hogaansamo habraaca doorashada Somalia ee magalada Muqdishu lagu go’aamiyay.

Madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Farole, ayaa tilmaamay inuusan mowqifkiisii hore waxba iska badalin islamarkaana uu taaganyahay inaan la qaadan 4.5, Ra’isal wasaarahana usoo bandhigay qoraalo iyo warbixino ka hadlaya habkan iyo siduusan ugu haboonayn in Somalia mar kale wax ku doorato.

Wuxuu carrabka ku dhuftay inaysan arrintaasi qancin Cumar Cabdirashiid islamarkaana uusan ka tanaasulin rabitaankiisii ahaa qaadashada 4.5, isagoo safarka Cumar Cabdirashiid ku sifeeyay mid uu ku raadinayo qaabka shacabka Puntland uga dhaadhicin lahaa inay qaataan nidaamkan oo uu xusay inuusan u suurta gali doonin.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale soo hadal qaaday shir dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Gaas isagoo sheegay inay ka wada hadleen xaaladda Puntland iyo doorkii uu ka qaatay dagalladii ka dhacay Puntland.

Farole, ayaa sheegay in madaxda Puntland iyo shacabkoodu ka midaysanyihiin diidmada 4.5, waxaana arrintani kusoo aadaysa xilli magalada Garowe ku suganyahay wafdi uu hogaaminayo Ra’isal wasaaraha Somalia, kuwaasi oo caasumadda Puntland ku qaadanaya kulamo kala duwan oo khuseeya habka loo marayo doorashada dalka Somalia ka dhici doonta 2016.

Hoos ka Dhagayso Waraysiga Radio Garoowe uu la yeeshay Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole

Source:GAROWEONLINE

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online