Gal-Mudug oo Maxaabiis soo bandhigtay guulna ka sheegatay dagaalo ka dhacay Mudug (Masawiro)

March 25, 2016 - Written by Editor

1Maamul-goboleedka Galmudug ayaa saaka waxaa uu faahfaahin ka bixiyey dagaal dhexmaray ciidanka Galmudug iyo Firxadkii Al-Shabaab kaas oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug,

Maxamed Aadan Cismaan Wasiirka warfaafinta Galmudug, ayaa warbaahinta u sheegay in malleeshiyada Al-Shabaab ay dagaalka uga dileen ugu yaraan 23 qof, 13 kalana ay qabteen iyaga oo nool.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamed Aadan Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in firxadkii kooxda Al-Shabaab ay ka furteen hub iyo saanad badanwuxuuna sheegay in dagaalka ay ciidanka Galmudug uga dhaawacmeen 7 askari.
Wuxuu kaloo sheegay inay baacsadeen firxadii Al-Shabaab ay dagaalka la galeen,

Wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamed Aadan Cismaan ayaa sheegay sidoo kale in dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ay iska kaashan doonaan Maamulka Galmudug iyo Puntland ayna ka wada hadleen sidii la iska dhicin lahaa .

Dhanka Kale ciidanka Galmudug ayaa waxaa ay soo bandhigeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo gaarayey ilaa 20 askari kuwaas oo dhamaantood dhalinyaro u badan.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online