Ganacsade Sade Mahad Dirir oo lagu dhex dilay masjid ku yaal Degmada Hiliwaa
March 28, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubaysan ay ku dileen nin ganacsade ah magaalada Muqdisho xili uu ku sugnaa Masjid dhexdiis. Allaha u naxariistee ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Sade Mahad Dirir waxaan dhalay Allaha u naxariistee Ganacsade Mahad Dirir Guuleed oo ah Ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada Muqdisho.
Allaha u naxariistee ganacsadaha la dilay Sade Mahad Dirir ayaa xiliga la dilay waxaa uu ku jiray Masjid ku yaala Degmada Hiliwaa gaar ahaan Nawaaxiga Hotel Garguurte isagoo Akhrisanayay Kitaab Qur’aanka Kariimka ah.
Allaha u naxariistee ganacsadaha la dilay oo qaar ka mid ah Ehelkiisa ay la hadleen saxaafadda ayaa sheegay in Sade Dirir uu horay gurigiisa uga kireeyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Muqdisho Xassan Muungaab dhowr jeerna loogu hanjabay dil walow ay ka gaabsadeen in ay sheegaan cid ganacsadaha la dilay dil ugu hanjabtay.
A/cawaale
Halgan.net