Ganacsade Sade Mahad Dirir oo lagu dhex dilay masjid ku yaal Degmada Hiliwaa

March 28, 2016 - Written by Editor

bistaMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubaysan ay ku dileen nin ganacsade ah magaalada Muqdisho xili uu ku sugnaa Masjid dhexdiis. Allaha u naxariistee ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa  Sade Mahad Dirir waxaan dhalay  Allaha u naxariistee Ganacsade Mahad Dirir Guuleed oo ah Ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee ganacsadaha la dilay Sade Mahad Dirir ayaa xiliga la dilay waxaa uu ku jiray Masjid ku yaala Degmada Hiliwaa gaar ahaan Nawaaxiga Hotel Garguurte isagoo  Akhrisanayay Kitaab Qur’aanka  Kariimka ah.

Allaha u naxariistee ganacsadaha la dilay oo qaar ka mid ah Ehelkiisa ay la hadleen saxaafadda ayaa sheegay in Sade Dirir uu horay gurigiisa uga kireeyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqa magaalada Muqdisho Xassan Muungaab dhowr jeerna loogu hanjabay dil walow ay ka gaabsadeen in ay sheegaan cid ganacsadaha la dilay dil ugu hanjabtay.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online