Go’aamo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada dowladda Federaalka Soomaaliya

March 1, 2016 - Written by Editor

IMG_6495Muqdisho:-Shirkii Golaha Wasiirada ee aan caadiga ahayn ee socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, oo uu shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, laguna Casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo loogu kuur-geliyey xaaladda amni ee dalku hadda ku sugan yahay.

Waxaa la isku raacay baahida loo qabo in hoos loo daadajiyo sugidda amniga dalka, sidii ay horeba u ahaan jirtey iyo in fursad loo siiyo Shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin mugleh ka qaataan sugidda amniga, loona helo isla xisaabtan dhab ah,waxaana la go’aamiyey;

1.Waxaa dajiyey qorshe dhamaystiran oo lagu sugayo amniga iyo nabad-gelyada guud ahaan dalka, gaar ahaana magaallo madaxda dalka ee Muqdisho.

2.In Talisyada Ciidamadda Nabad gelyada ee Booliska iyo Nabad-sugidda ee heer gobol, fadhigooduna yahay Gobolka Banaadir (Muqdisho) ay si toos ah ula shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo ku howl galaya awaamiirta iyo tilmaamaha maamulku ku sugayo Nabad-gelyada iyo Amniga magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

3.Si loo fuliyo qoshaha Nabadeynta iyo Xasalinta guud ahaan dalka, gaar ahaan Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, waxaa la mamnuucay;

•In Ciidan aan ka tirsanayn ciidanka loo qoondeeyey degmo kasta, aanay wax hub ah oo aan shaqo la og yahay ku jirin lala dhex-mari karin degmooyinka Gobolka Banaadir.

•In Ciidamadda ay wataan Wasiirada, Xildhibaanada iyo madaxda kale ee dawladda ay sitaan aqoonsi u gaar ah.

•In Ciidamadda iyo Hubka ay leeyihiin shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay ay iska diiwaan geliyaan Wasaaadda Amniga Gudaha, haddii ay wax dhaq-dhaqaaqa sameynayaana ku wargeliyaan maamulka degmada ay ka baxayaan iyo degmada ay tagaaan.

•Guud ahaan dalka, waxaa reebay haysashada hub sharci darro ah oo aan ka diiwaan gashanayn Wasaaradda Amniga.

•Golaha Wasiirradu waxay isla garteen in dib-u-dejin loo sameeyo Barakacayaasha, iyadoo lala kaashanayo Hay’adaha Caalamiga ah, si ay uga qeyb qaataan horumarka iyo Nabad-gelyada dalka.

Baaq

Waxaa loogu baaqayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, in ay taageeraan, gacanna ka geystaan qorshaha dawladdu ku sugeyso amniga iyo xasilinta dalka.

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online