Guddiga waddada Ceeldaahir oo la kulmay Suldaan Siciid Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud.[Masawiro/Video]

March 12, 2016 - Written by Editor

12809702_973790056044654_4670265930702711137_nBoosaaso:-Waxaa maanta kulan gaar ah la qaatay Suldaan Siciid Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud oo ka mid ah Issimada Puntland ahna Issim ku fadhiga taariikh dheer Guddoomiyaha guddiga waddada Ceeldaahir Ceerigaabo Sh. Maxamuud Xaji Yuusuf iyo Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji.Nuur oo ah xubin ka mid ah guddiga waddada Ceeldaahir oo ugu tegay Booqasho.

Suldaan Siciid Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud ayaa si wanaagsan u soo dhaweeeyey Guddoomiyaha guddiga waddada Ceeldaahir Ceerigaabo Sheekh.Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji.Nuur waxaan dhexmar is waraysi iyo isku xog waran waxaan ugu danbayntii la isla qaatay in laga miro dhaliyo dhismaha wadadda Ceeldaahir ee Ceerigaabo ahmiyad weyn ku fadhida.

Guddoomiyaha guddiga waddada Ceeldaahir Ceerigaabo Sh.Maxamuud Xaji Yuusuf iyo Sh.Fu’aad Maxamuud Xaji.Nuur  ayaa waxaa ay ku booqdeen Suldaan Siciid Suldaan C/salaan Suldaan Maxamuud gurgiisa oo ku yaal magaalada Boosaaso waxaan culimada iyo Suldaanku isla gaareen in la dar dargeliyo abaabulka socda  si loo gaaro yoolka la higsanyo oo ah in la dhiso wadadda Ceeldaahir ee Ceerigaabo.

Dhinac kale waxaa maanta dekedda Boosaaso ka soo baxay qaar ka mid ah qalabkii lagu dhisayo wadadda Ceeldaahir Ceerigaabo wajigii 1aad waxaan la filayaa in dhawaan la bilaabo dhismaha wadadda Ceeldaahir.

Hoos ka eeg QALABKII LAGU DHISI LAHAA WADADA CEEL DAAHIR IYO CEERIGAABO OO LA AMBABIXIYEY

Warka oo faahfaahsan kala soco Halgan.net

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online