Laascaanood oo lagu soo Bandhiggay Kitaabkii PhD-da ee Dr. Ahmed Jama Ismail Mire[Masawiro]
March 6, 2016 - Written by EditorLaascaanood:-Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanod ee xarunta Gobolka Sool ayaa bandhig heer sare ah u samaysay Kitaab uu Dr Axmed Jaamac Ismaaciil Mire dhawaan ku qaatay shahaadada Diktooraaga( PhD).Munaasabadda oo ahayd mid balaadhan ayaa waxaa kasoo qayb galay culimada Gobolka, ganacsatada,maamulka iyo ardayda jaamacadaha Golis iyo ileys,sharikadaha isgaadhsiinta, iyo waliba xawilaadaha iyo Bangiyada.
Waxana ugu horeyba uu diktoorku ku soo bandhigay halkaasi kitaabka oo ka koobnaa 690 bog kuna saabsanaa Sarifka Xawilaadaha lacagta iyo Jeegaga iyo axkaamteeda sharciga ah, uuna dhawaan shahaadada Diktooraaga( PhD)da kaga soo qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiina .
Soo bandhigga Kitaabka ayaa ahaa mid aad ay ula dhaceen dadkii munaasabadda goob joogga ka ahaa, isla markaana ay ka muuqatay dadaal badan oo uu drku ku bixiyey qoraal kiisa, iyo waliba aqoon dheer ee uu uleeyahay Nidaamka Xawilaadaha iyo Bangiyada.
Gabagabadiina ka soo qaybgalayaasha ayaa uga mahad celiyey drka dadaalka uu bixiyey iyagoona ku booriyey in uu qoraalka sii wado, waxaana goobta lagu soo bandhigay 1000 Nuskho oo kitaabka ka mid ah, ayna qaadanayeen dadweynihii kala duwanaa ee munaasabadda ka soo qayb galay.
no images were found
Mowliid/Ahmed Said
Lascanod,Halgan.net