Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeeray Garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo uu ka socdo dhisme casri ah.[Masawiro]

March 31, 2016 - Written by Editor

IMG_39871Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka 31-March-2016 hadiyado sharafeed ka kooban agabka  hiddaha iyo dhaqanka  Soomaalida oo lagu xardhay Calanka Puntland guddoonsiiyey Danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyi jirey waddanka Soomaaliya ahna mudane ka tirsan baarlamaanka dalkaasi Ambassador Kini Torun  iyo Danjiraha Dawladda Turkiga hadda u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambassador Olgan Bakar.

Intaasi kadib Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo waftigii ka socdey Dawladda Turkiga ee uu hoggaaminayey Danjire Kani Torun ayaa kormeer indho indhayn ah ku tegey Garoonka Caalamiga ah ee diyaaradaha ee Garoowe oo xilligaasi ay kasocotey hawlihii dhismaha Garoonkaasi oo meel wanaagsan maraya.

Madaxweyne Gaas ayaa ku ammaanay shirkadda dhisaysa garoonka iyo shaqaaleheedaba muddada gaaban ee ay shaqaynayeen iyo baaxadda shaqada ay qabteen, waxaana uu kula dardaamay in ay sii dardar geliyaan hawlaha shaqo ee ay ka hayaan garoonka.

Garoonka diyaaradaha ee Garoowe oo ay ku baxayso 6 Milyan oo doollar ayaa waxaa dawladda Puntland ka caawinaysa Boqortooyada dalka Kuwait, waxaana dhisaysa Shirkad laga leeyahay Waddanka Turkiga oo lagu magaceeda loosoo gaabiyey METEC.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dawladda Turkiga uga Tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timi dhaqaatiirtii samafalka caafimaad kawadey magaalada Muqdisho oo shalay kooxaha sharwadayaasha al-shabaab qaraxa ku dileen iyagoo caawinayey ummadda Soomaaliyeed.

Geba-gebadii Waftigii ka socdey Waddanka Turkiga ee shalay soo gaadhey Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa u amba baxay magaalada Muqdisho halkaas o markii horeba ay kasoo kicitimeen waxaana garoonka diyaaradaha ee Kanooko ee duleedka garoowe kusii sagootiyey  Xubno ka tirsan golaha xukuumadda Dawladda Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA  DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online