Madaxweynaha DFS oo soo dhoweeyay go’aankii Golaha Wasiirada ee amniga Muqdisho

March 2, 2016 - Written by Editor

xassanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay go’aamadii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee la xiriiray amniga magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo horkacayey kulamo deg-deg oo ay yeesheen Golaha Wasiirada saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, laguna gorfeynayey tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo amniga, ayaa ku bogaadiyey Golaha Wasiirada sida deg-degga ah ee ay u soo diyaariyeen talooyin wax ka tari kara amniga caasimadda.

Go’aamada ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka mid ah in ciidammada booliska iyo nabadsugidda ee heer gobol ay door weyn ku yeeshaan amniga magaalada Muqdisho, iyado hawshaasina ay kala shaqeyn doonaan maamulka gobolka Banaadir, degmooyinka, iyo bulshada.

Waxaa qodobada go’aamadaasi ku xusan ka mid ah xakameynta hubka lagu dhex wato magaalada.

Golaha Wasiirada ayaa iyaguna si dhow ula shaqeyn doona maamulka gobolka iyo degmooyinka gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo amniga, loogana hortago shirqoolada iyo carqaladaha ay wadaan kooxaha nabadda ka soo horjeeda.

————————– DHAMMAAD———————————–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online