Madaxweynaha JFS iyo dalalka beesha caalamka oo ka wadahadley daryeelka iyo taageerada ciidammada Soomaaliya.[Masawiro]

March 17, 2016 - Written by Editor

villa-1Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay wakiillada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya, oo uu kala hadlayey daryeelka iyo taageerada ciidammada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay wakiilladaasi caalamiga ah doorka ay ka qaadanayaan taageerada ciidammada Soomaaliya iyo dib u dhiskooda, isagoo sheegay in taageeradaasi ay muhiim u tahay in ciidammada qaranka ay si dhib la’aan ah mustaqbalka dhow ugala wareegaan AMISOM sugidda amniga waddanka.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, Danjire Michael Keating, Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta, Maxamed Al Cusmaan, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone D’ Urso, Danjiraha Britain, Harriet Mathews, iyo Danjiraha Turkiga, Olgan Bekar, oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa dowladda Soomaaliga ku bogaadiyey dadaalka iyo hoggaanka hufan ee ku aaddan barnaamijka nabadgelyada qaranka iyo dib u dhiska dalka.

Wakiillada ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska ciidammada qaranka. Waxaa kale oo kulankaasi looga hadley xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinaca amniga ee dalka ka jira iyo xoojinta hawlgallada lagu cirib-tirayo kooxaha nabad-diidka.

——————-DHAMMAAD———–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online