Madaxweynaha Puntland oo gaaray deegaanka Garacad ee gobolka Mudug

March 23, 2016 - Written by Editor

gaas_garacadGaracad:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray deegaan Garacad ee gobolka Mudug, waxaana si weyn u soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa masuuliin ka tirsan Maamulka Garacad ,Dadweyne aad u tiro badan , saraakiil iyo wasiiro ku sugan Garacad.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahad celiyey dadweynaha soo dhaweeyey iyo madaxada waxaana uu si gaar ah ugu mahad celiyey saraakiisha ciidanka Puntland ee ka howlgalay aaga Garacad kuwaas oo si xun u jabiyey ciidanka Al-Shabaab ee ku sugna deegaanka Kulub iyada oo firxadkii Al-Shabaab ay galeen deegaanka Afbarwaaqo oo ka tirsan ee Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Puntland iyo Saraakiisha ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii lagu xoojin lahaa amaanka deegaanada  Puntland waxaana la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay booqdaan goobihii dagaalku ka dhacay ee aaga Garacad.

Maalinta Birito ah ayaa waxaa la filayaa in warbaahinta loo soo bandhigo maxaabiista laga qabtay kooxda Al-shabaab ee duulaanka ku soo qaaday Deegaanka Garacad.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online