Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Xeer ilaaliyaha guud ee DFS.[Masawiro]

March 8, 2016 - Written by Editor

IMG_2179Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta March 8, 2016 xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu hoggaaminayey Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr.Axmed Cali Daahir ayna ka mid ahaayeen  kuxigeenka xeer ilaaliyaha  Yaxye Maxamuud Siciid, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil toban kor u dhaafaya oo ka socda xabsiyada magaalada Muqdisho.

Waftiga ayaa Puntland waxay u yimaadeen sidii ay khibrad iyo waayo-aragnimo uga kororsan lahaayeen jeelasha Puntland maadaama Puntland ay jirey muddo 17sanno ah isla markaasna ay leedahay jeelal casri ah oo ay gacanta ku hayaan saraakiil khibrad dheeraad ah u leh ilaalinta iyo dhaqan celinta maxaabiista.
Waftiga ayaa sidoo kale sheegay in ay doonayaan in Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Puntland ay wada shaqayn dhow ka-yeeshaan dhinacyada Asluubta iyo garsoorka si dhagar qabayaasha meelkasta oo lagu qabto looga heli karo jeelal ama xabsiyo  diyaarsan oo dad aqoonteedii lihi ay gacanta ku hayaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweyna Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in Puntland ay ka-dhisan yihiin jeelal caalami ah oo qaybtood ay Puntland kaga horrayso waddamo badan oo caalamka ah uuna kamid yahay Jeelka weyn ee Caalamiga ah ee ku yaalla magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Eng.Camey ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay diyaar u tahay dhismaha ciidamo qaran oo wata summadda qaranka soomaaliya oo waajibaadkooda ka gudankara dhammaan gobollada dalka Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira Ciidanka Xoogga dalka, Ciidanka Asluubta dalka, Ciidanka Police-ka dalka iyo Ciidanka nabad sugidda dalka, si loosoo celiyo xasiloonidii iyo nabad-gelyadii dalka ka jiri-jirtey.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online