Mu’asasada Al-Minhaaj oo raashiin qaybin ka fulisay deegaanada ay abaartu samaysay.[Masawiro]

March 29, 2016 - Written by Editor

DSC07328-740x555Qardho:-Mu’asasada al-minhaaj ayaa deeq raashiin ah gaarsiisay tuulooyinka ay abaartu aadka u saamaysay ee hoosyimaada degmada Qardho kuwaasoo kala ah, Yaka Dhaxan Shaxda, Libow, Carmo, iyo Higle deeqda ayaana ka koobnayd qaybaha kala duwan ee raashiinka sida bur, bariis, sonkor, salid ,caano, timir iyo buskud  waxaana loo qaybiyay 400 oo qoys oo ka mid ah qoysaska abaartu ay saamaysay.

Deeqdan oo katimi Jamciyada khayriga ah ee Shaariqa ayaa waxaa qoysaska garsiiyay Mu’asasada Minhaaj goobtii raashiinka lagu qaybinayay oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin iyo waxgarad ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay C.qaadir Yasiin maxamed iyo gudoomiyaha Mu’asasada minhaaj Maxamed C.llahi Cabdulle waxayna ka dhawaajiyeen in deeqdan loogu talagalay qoysaska aadka ay u saamaysay abaarta islamarkaana waxay sheegeen inay uga jaawabayeen baaqii Maamulka Puntland ee ku aadanaa abaarta kaasoo ahaa in gurmad la gaarsiiyo deegaanada ay abaartu samaysay.

Maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo qoysaskkii lagaarsiiya deeqda ayaa dhankooda ka mahadceliyay raashiinkan lasoo gaarsiiyay waxayna sheegeen in raashiinka uu ku soo beegmay xili loo baahnaa oo qoysaska ay abaartu samaysay marxalad adag ay ku jireen.

Marka laga yimaado gurmadka biyo dhaaminta ah ee lagaarsiiyay deegaanada hoosyimaada degmada Qardho Mu’asasda minhaaj ayaa noqonaysa mu’asasdii ugu horaysay oo raashiin gaarsiisa deegaanada ay abaartu saamaysay.

Mu’ssadda Al-minhaaj
Qardho,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online