Mu’assadda Minhaaj ee Galdogob oo soo dhawayn u samaysay Suldaan Subayr Xaaji Maxamuud.[Masawiro]
March 11, 2016 - Written by EditorGaldogob:-Suldaanka oo booqasho gaaban kusoo gaaray deegaanka Galdogob si uu ugu kuurgalo wadciga deegaanka iyo horumarka ka socda ayaa kulamo is dabajoog ah la yeelanayey maamulka, culumada, iyo guud ahaan waxgaradka deegaanka. Haddaba kulankii Mu,assasadu u samaysay Suldaanka goob joogna ay ka ahaayeen qaybo ka mid ah hogaanka guurtida iyo dhaqanka, culumada magaalada iyo waxgarad kale ayuu Suldaanku warbixin faahfaahsan ka bixiyey deegaanada bariga iyo welba bariga fog ee Puntland oo uu dhawaan booqday ,
Dhinac kale wuxuu ka warbixiyey mashaariic horumari need oo uu ka soo dhagaxdhigay deegaanadaas, halka hawlwadeenada Mu’assasada iyo waxgaradka kaleba uga warbixiyeen waxyaalaaha deegaanka ka socda, waxaana la isku dhaaf saday talooyin wax ku ool ah. Ugu danbayn kulanka ayaa kusoo gabogaboobay jawi aad u qurux badan.
no images were found
Mu’assadda Minhaaj
Galdogob,Halgan.net