Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyeeyey geeridii ku timid Siyaasi Maxamed Abshir Walde
March 5, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Dawladda Puntland waxay ka tacisyeyneysaa Geeridii ku timid Marxuum Maxamed Abshir ( Walde ) oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi fiidnimadii caawa. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isagoo ku hadlaya Afka dhamaan Golayaasha Dawladda, Shacabka Puntland iyo Umadda Soomaaliyeed ayuu wuxuu tacsi u direy Eheladii iyo dhamaan qaraabadii uu ka tagey Marxuum Maxamed Abshir Walde.
Marxuum Maxamed Abshir Walde oo ka mid ahaa Aasaasayaashii jiritaanka Dawladda Puntland isla markaana ahaa shir-gudoomiyihii shirkii 1998 ee lagu dhisay Puntland ayuu Madaxweynaha Puntland Allaah uga Baryey in uu ka waraabiyo Janatul Fardowso Aamiin Aamiin
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku tilmaamey in maanta Shacabka Puntland uu ka tagey Siyaasi ruug caddaa ah oo kaalin weyn uga jirey Umadda Puntland, Illaaheyna aan uga Baryeyno danbi dhaafa iyo Cafis Aamiin Aamiin.
no images were found
—-DHAMAAD—