Puntland oo warbaahinta geysay deegaanka Toga Suuj iyo Garmaal.
March 21, 2016 - Written by EditorWar hadda naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa sheegaya in warbaahinta loo qaaday deegaanka Toga Suuj halkaas oo ay ciidanka Puntland ay soo afgareen howl galkii ka socday Toga Suuj.
Warbaahinta ayaa waxaa halkaas loogu soo bandhigi doonaa maxaabiis iyo meydad daadsan goobihii lagu dagaalamay.
Saraakiisha Ciidanka Puntland ayaa haatan ku wareejinaya deegaanka Suuj iyo Garmaal oo ay gacanta ku hayaan saxaafada waxaana ay sheegeen in firxadkii Al-Shabaab lagu raadjoogo .
Mid ka mid ah Wariyaasha tagay deeganka Suuj iyo Garmaal ayaa u sheegay Halgan.net in maxaabiista la qabtay ay ku jiraan dhalinyaro aad u Da’yar .
Gen Muxiyadiin Axmed Muuse oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland hogaaminaysa dagaaladii ka dhacay Toga Suuj iyo Garmaal ayaa saxaafada kula hadlay halkaas wuxuuna sheegay in 60 ay ka dileen Al-Shabaab 31 kalana ay gacanta ku dhigeen ,
Wixii soo kordha kala soco dhawaan Halgan.net
M_M Deeq
Halgan.net