Ra’iisul Wasaaraha DFS oo cambaareeyey qaraxii ka dhacay Gaalkacyo
March 31, 2016 - Written by EditorRa’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasoo ay ku geeriyoodeen shacab iyo Masuuliyiin dawladeed oo aan waxba galabsan.
“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee halkaasi ku geeriyooday, gaar ahaan Xisaabiyihii Maaliyadda gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf Gaada-yare. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Galmudug Xasan Ruush iyo dadkii qiimaha badnaa ee weerarkaas naftooda ku waayey, waxaana alle uga baryeynaa inuu geeyo Jannadiisa, intii dhaawaca ahna Alle bogsiiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale ka hadlay ujeedada qaraxyada noocan ah ay ka leeyihiin kooxaha nabadiidka ee Shabaab.
“Ujeedada ay leeyihiin kuwa qaraxan gaystay waa in ay cabsi galiyaan shacabka Soomaaliyeed ee diyaarka u ah in ay gacan siiyaan dawladooda, dadka Soomaaliyeedna marna dib uma laaban doonaan” ayuu si kulul u yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.
—-DHAMMAAD—-
Ahmed-nur Mohamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Garowe, Somalia