Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS oo gaaray magaalada B/weyne

March 13, 2016 - Written by Editor

odawaaWafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan wafdiga wasiirka ayaa waxaa soo dhaweeyey Maamulka gobalka iyo kan Degmada

Ujeedada Socdaalka Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa waxaa lagu sheegay in uu kulamo kala duwan la qaadan doono odayaasha dhaqanka gobalka kuwaas oo ka biyo diidan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar iyo xildhibaano iyo masuuliin ka tirsan labada gole ee DFS.

Warar aan si rasmi ah u so shaac bixin ayaa sheegaya in Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS uu hordhac u yahay wafdi balaaran uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid kuwaas ku wajahan magaalada B/weyne.

Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa diiday qaabka uu u socdo shirka Maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Sh/Dhexe kaas ka furmay magaalada jowhar 12-kii bishii Jan.

Ilaa hada madaxada DFS waxay ku guuleyn la.yihiin in ay ku qanciyaan odayaasha shaqanka ee gobalka Hiiraan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online