Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya oo waraysi siiyey idaacadda VOA.[Dhagayso]
March 1, 2016 - Written by EditorLondon:-Magaalada Muqdisho, waxaa xalay ka dhacay shir deg deg ah oo ammaanka looga hadlayay, kaasi oo xubnaha golaha wasiirada ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay yeesheen. Shirkan oo uu gudoominayey madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeyb galay taliyeyaasha ciidamada Booliska, nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka.
Wasiirka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar, oo ka mid ahaa xubnihii ka qeyb galay shirkan, islamar kaana mas’uul ka ah amniga, ayaa VOA-da uga hadlay kulankaas iyo ammaanka sii xumaanaya ee caasimadda iyo meelo kale.
Hoos ka Dhagayso wariye Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo wareystay Wasiirka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Source:VOA