Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la kulmay Amiirka Kuwait.[Masawiro]

March 14, 2016 - Written by Editor

IMG_2757-696x438Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa socdaal shaqo ku jooga dalka Kuwait ka dib cazuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa H.E Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah.

Kadib imaanshihiisa Caasimadda Kuwait , waxaa si toosa Wasiirka loogu gudbiyay madaxtooyada dalkaas, halkaasi oo uu kula kulmay Amiirka dowladda Kuwait H.H. Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, waxaana  wasiirku uu u gudbiyay Amiirka dalka Kuwait dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E Hassan Sheikh Mohamud,  ka dibna wasiirka waxa uu ka  mahad celiyay siday Kuwait u garab istaagtay Soomaaliya duruufihii adkaa ee ay soo martay,  wuxuuna sheegay Amiirku in uu dalka Kuwait uu diyaar u yahay in uu soomaaliya wax kasta u qabto oo garab istaag ah .

Wasiir Hadliye ayaa la kulmay  Ra’isul Wasaaraha dalka Kuwait H.H. Sheikh Jaber Al-Mubarak Al-Hamad Al-Sabah, waxa uuna gaarsiiyay salaan uu ka siday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E. Omar Abdirashid Ali Sharmarke, isagoo bogaadiyay kaalinta Kuwait ay ka qaadatay Arrimaha Soomaaliya  .

Kulamadaasi kadib , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul wasaare kuxigeenka koowaad ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait H.E. Sheikh Sabah Khalid Al-Hamad Al-Sabah,waxaana lagu soo dhoweeyay si maqaam sare leh, waxaana kulankaasi looga wada hadlay dib u furidda Safaaraddii Kuwait ay ku laheyd caasimadda Muqdisho,
Shirka Waxabarashada Soomaaliya ee ay martigelineyso dowladda Kuwait, ka howlgelinta Sanduuqa Maalgashiga Kuwait gudaha dalka Soomaaliya , in la is weydaarsado booqashooyin heer Wasiir ah, in ganacsatada Kuwait ay maalgeshi ku sameeyaan dalka Soomaaliya, isdhaafsiga khibradaha labada dal iyo in la dhiso guddi heer Wasiir ah oo labada dal u dhaxeeya .

Kulamadan ayaa waxa ay ku idlaadeen jawi guul iyo isafgarad leh.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2016
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online