Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi oo ka tacsideeyey Geeridii Maxamed Abshir Walde
March 8, 2016 - Written by EditorDubia:-Madaxweynihii Hore ee Puntland Gen.Maxamuud Muuse Xirsi Boqor.Gen.Cade Muuse ayaa tacsi u diray Qoyskii, Qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde oo ku geeriyooday magaalada Nairobi.
Gen.Cade muuse ayaa sheegay in marxuumku ahaa halyey qaran waxbadan usoo qabtay Dadka iyo Dalkiisa waxaan marlabaad tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde. iyo dhamaanba umada Soomaaliyeed. Marxuum Maxamed Abshir Yuusuf Walde. Waxa kale uu ahaa siyaasi ahna ganacsade caanka ah guud ahaan Soomaaliya.
Waxaan ilaah uga baryaayaa in ilaahay janatu fardowso ka waraabiyo aamiin aamiin.
Innaa lillaahi wa innaa illaahi raajicuun