Madaxweynaha Puntland oo gaaray deegaanka Garacad ee gobolka Mudug
March 23, 2016 - Written by EditorGaracad:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray deegaan Garacad ee gobolka Mudug, waxaana si weyn u soo dhaweeyey Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa masuuliin ka tirsan Maamulka Garacad ,Dadweyne aad u tiro badan , saraakiil iyo wasiiro ku sugan Garacad.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahad celiyey dadweynaha soo dhaweeyey iyo madaxada waxaana uu si gaar ah ugu mahad celiyey saraakiisha ciidanka Puntland ee ka howlgalay aaga Garacad kuwaas oo si xun u jabiyey ciidanka Al-Shabaab ee ku sugna deegaanka Kulub iyada oo firxadkii Al-Shabaab ay galeen deegaanka Afbarwaaqo oo ka tirsan ee Maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Puntland iyo Saraakiisha ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii lagu xoojin lahaa amaanka deegaanada Puntland waxaana la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay booqdaan goobihii dagaalku ka dhacay ee aaga Garacad.
Maalinta Birito ah ayaa waxaa la filayaa in warbaahinta loo soo bandhigo maxaabiista laga qabtay kooxda Al-shabaab ee duulaanka ku soo qaaday Deegaanka Garacad.
A/Cawale
Halgan.net