Al-shabaab oo weerarkii ugu horeeyey oo Aargoosi ah ka fuliyey Waqooyiga magaalada Gaalkacyo
March 31, 2016 - Written by EditorGaalkacyo:-Allaha u naxariisto waxaa ku dhintay qarax naftii halignimo ah oo goor dhawayd ka dhacay magaalada Gaalkacyo xisaabiyihii wasaradda Maaliyada Gobalka Mudug Siciid Cali Yuusuf oo lagu naanaysi jiray Gaadayare. Qarax ayaa dhacay xili Allaha u naxariistee Agaasimaha xisaabiyaha wasaarada maaliyadda Gaadayare uu ka soo degtay isaga iyo Ilaaladiisa gaarigisa ka dibna qof is qarxiyey uu ku soo dhawaaday goobta uu ku sugnaa Gaadayare ka diba uu is qarxiyey halkaasna ay ku dhinteen Agaasimaha iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa.
Qarax ayaa waxaa u dhintay ilaa 6 qof oo uu ku jiro Siyaasi Xassan Ruush oo mar wasiir kas oo noqday maamulka Galmudug, waxaa ilaa iyo hadda socda gurmadka iyo meydadka laga qaaday goobta uu ka dhacay Qaraxu.
Qaraxa is miidaaminta ayaa waxaa uu ka dhacay Afaafka hore ee Hotel Uunlaaye ee Xero Daraawiish Gaalkacyo, waxaana goobta soo gaaray qarax ka dib ciidamo ka tirsan Puntland oo iyagu wada baartaano kala duwan.
Weerarkaan is qarxinta ah ee ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxaa uu noqonayaa weerarkii aargoosi ee ugu horeeyey ee ay fuliyeen Ururka Al-shabaab ka dib dagaalo ku dhex maray xeebaha Mudug iyo Nugaal ciidamo ka tirsan Al-shabaab iyo Puntland oo khasaaro badan iyo maxaabis looga qabtay ururka Al-shabaab.
Wixii soo qordha kala soco Halgan.net
M_M_Deeq
Halgan.net